Mareykanka iyo Mexico ayaa maanta wada-hadallo dheeri ah ka yeelanaya siyaasadda muhaajiriinta, xilli ay soo dhowaatay waqtigii Mareykanka uu u qabtay in Mexico ay waxa kaga qabato dadka kasoo gudbaya dalkaas, ama ay wajihi doonto canshuur la saaro badeecadaha dalkaas ka imanaya ee soo galaya Mareykanka.
Haddii aan wax heshiis ah la gaarin, madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in laga billaabo Isniinta uu badeecadaha Mexico saari doono canshuur 5% ah, ayada oo bil walba lagu kordhin doonoa 5% oo dheeraad ah, illaa bisha October laga gaarsiiyo 25%.
Qoraal uu arbacadii soo dhigay twitter-ka ayuu Trump ku sheegay in inkasta oo horumar laga sameeyey wada-hadallada haddana aysan ku filneyn.
Trump ayaa waxa uu ka digay in haddii uu canshuurta sare u qaado ay shirkado badan oo Mareykan ah oo alaabo ku sameysta Mexico ay dib ugu soo laaban doonaan dalka.