Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda magaalada Khartoum oo weli kacsan


Rasaas ayaa weli maanta laga maqlayey magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan ayada oo xiisad ay halkaas ka kacsan kadib laba maalmood oo ciidamada ammaanka ay dileen 60 qof oo ka mid ah dibad-baxayaasha.

Isbitaalada magaalada Khartoum ayaa sheegay inay la xarbinayaan inay la tacaalaan tirada dadka dhaawaca ah kadib markii ciidamada ammaanka ay Isniintii billaabeen weerar ka dhan ah shacabka dibad-baxa fadhigga ah ka wada dibedda xarunta ciidamada.

“Xaaladda aad ayay u adag tahay. Inta badan isbitaalada waxaa soo gaaray dhaawacyo ka badan inta ay xamili karaan” waxaa sidaas wakaaladda wararka ee AFP u sheegay dhaqtar ka shaqeeya laba isbitaal.

“Waxaa jira shaqaale yari caafimaad, waxaa jira dhiig yari, waxaana adag in la fuliyo qalliinada qaar, sababtoo ah isbitaallada qaar unbaa fulin kara qalliinada qaarkood” ayuu yiri.

“Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah kuwa ay xaaladdoodu liidato, waxaana u malayanyaa in dhimashada ay kordhi doonto.”

Dhinaca kale, hoggaamiyaha milatariga haya talada dalka, Jeneral Abdel Fattah Burhan ayaa maanta sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal ka galo mustaqbalka dalka, maalin kadib markii uu sidaas diiday.

XS
SM
MD
LG