Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cudurka Ebola oo fara ba'an ku haya Congo


Dad Ebola uu dilay oo la aasayo
Dad Ebola uu dilay oo la aasayo

Wasaaradda caafimaadka dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo ayaa sheegtay in in ka badan 2,000 oo kiis oo la xiriira cudurka dilaaga ah ee Ebola laga helay dalkaasi dhaca bartaha Africa.

Dowladda ayaa sheegtay in cudurka ay ilaa iyo hadda u dhinteen dad gaaraya 1,346, taasoo ka dhigtay tiradi labaad ee ugu badneyd ee uu cudurkani dilo taariikhda.

Isniinti, wasaaradda caafimaadka ee dalka Congo ayaa sheegtay in kaliyah 539 qof laga daweeyay caabuqa keena xanuunkan saf mareenka ah. Taasi ayay wasaaraddu sheegtay in ay ku timid kadib marki horumar laga sameeyay amaanka iyo in cudurka uu ku faafo magaalooyinka.

Wakaaladda wararka AFP ayaa ku warrantay in wali ay maleeshiyo hubeysan khatar ku heyso shaqaalaha caafimaadka ee la tacaalaya cudurka Ebola.

Maleeshiyo hubeysan ayaa dishay shan ka mid ah howlwadeenada caafimaadka dhawaan.

XS
SM
MD
LG