Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Israel oo toogtay dhallinyaro Falastiiniyiin ah


Qof Falastiini ah ayaa toorey geliyey kuna dhawaacay laba qof oo Israeli ah bariga magaalada Jerusalem ka hor inta aan isaga toogasho lagu dilin, sida ay shegeeen booliska Israel.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel, Micky Rosenfeld ayaa sheegay in qofka soo qaaday weerarka mindida uu ahaa wiil 19 jir Falastiini ah. Mid ka mdi ah dadka uu ku dhaawacay tooreyda ayaa la sheegay inay xaaladdiisa halis tahay.

Weerarkan ayaa yimid ayada oo kumanaan muslimiin ah ay booqanayaan masjidka Al-Aqsa maanta oo ah jimcaha ugu dambeeya bisha barakeysan ee Ramadan.

Kadib weerarkan, ayaa ciidamada Israel waxay xireen albaabada laga galo Magaalada Da’da, oo ah halka uu ku dhex-yaalo masjidka Al-Aqsa ka hor inta aysan dib u furin laba ka mid ah, si muslimiinta u galaan Masjidka.

Dhinaca kalena, wiil dhallinyaro Falastiin ah ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada Israel ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Israel.

Warbaahinta Falastiini ayaa sheegtay in wiilka oo 16 jir ah uu isku dayayey inuu si dhuumaaleysi ah uga gudbo xeendaabka ciidamad Israel, sii ugu soo dukado masjidka Al-Aqsa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG