Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Israel oo is-kala diray kuna baaqay doorasho


Baarlamanka Israel ayaa maanta u codeeyey inuu iskala diro islamarkaana la qabto doorasho labaad oo deg deg ah, kadib markii ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu ku guul-dareystay inuu soo dhiso dowlad isbahaysi ah.

Sharci-dejiyayaasha ayaa cod 75-45 ku ansixiyey inay kala tagaan islamarkaana doorasho loo dareero 17-ka September.

Netanyahu ayaa haystay ilaa arbacadii shalay si uu usoo dhiso dowlad isbahaysi ah, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii dhacday 9-kii April.

Waxa uu rajaynayey inuu dhiso dowlad ay ku midaysan yihiin xisbigiisa midigta ee Likud, xisbiga diinta Yahuudda ku adag iyo midka uu hoggaamiyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Avigdor Lieberman.

Hase yeeshee wada-hadallada ayaa burburay kadib markii Netanyahu iyo sharci-dejiyayaasha diinta ku adag ay diideen dalabka Lieberman ee ahaa in Yahudda diinta ku adag lagu qasbo inay ka mid noqdaan ciidamada si la mid ragga iyo haweenka kale ee da’da yar.

Kooxaha diinta ku adag ayaa ka mid noqoshada militariga u arka arrin ka hor-imanaysa diintooda sababtuna ay tahay ayaga oo ka cabsi qabo in taas ay hoggaamin doonto inay noqdaan calmaaniyiin, taasi oo Israa’iiliyiinta kale aysan ku raacsaneyn.

XS
SM
MD
LG