Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Masar oo lagu eedeeyey xadgudubyo


Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa maanta sheegtay in ciidamada ammaanka Masar ay xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah shacabka, ay ka geysteen jasiirad u yaalka Sinai, kuwaas oo qaarkood u dhigma dambiyo dagaal.

Hay’adda ayaa ugu baaqday dalalka caalamka inay joojiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada Masar.

Ciidamada dhulka iyo cirka Masar ayaa koox muqaawamo Islaami ah waxay Sinai kula dagaalamayaan muddo sanado ah.

Warbixinta Human Rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada ammaanka Masar, xarigyo aan sharci ahayn oo ay ku jiraan caruur, dad la waayey, kuwa la jir-dilay, kuwa lagu fuliyey dilal ka baxsan cadaaladda, ciqaab wadareed iyo dad lagu qasbay inay guryahooda ka barakacaan.

In kasta oo dowladda Masar aysan jawaab deg deg ah ka bixin eedeymaha Human Rights Watch, haddana jawaabo horey ay uga bixisay eedeymo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayay ku sheegtay in tallaabooyin amni oo xooggan loo baahan yahay si wax looga qabto kooxda Daacish iyo jihaadiyiin kale oo ku sugan gobolka.

Human Rights Watch oo fadhigeedu yahay New York ayaa sheegtay in warbixinteeda oo ka kooban 134 bog lagu saleeyey baaris ay sameysay 2016 ilaa 2018, ayada oo wareysatay 54 qof oo isugu jira dad degan Waqooyiga Sinai iyo saraakiil horey uga tirsanaa dowladda iyo militariga, iyo sidoo kale muuqaalo satellite iyo qoraalo dowladeed oo rasmi ah.

XS
SM
MD
LG