Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaano ku wajahan qeybo ka mid ah Mareykanka


Khubarrada saadaasha hawada Mareykanka ayaa ka digaya duufaano xoog leh oo ay suurtagal tahay in ay Talaadada maanta ah garaacaan dhamaan gobollada dhexe ee dalkan Mareykanka.

Waaxda Adeega Qaran ee Cimillada ayaa ku warrantay, in ay suurtagal tahay in duufaannadani ay mar kale ku dhuftaan bariga gobolka Indiana iyo galbeed gobolka Ohio oo ay khasaaro ka geysteen habeenkii Isniinta.

Saraakiisha gobolka Ohio ayaa sheegay in duufaanti Isniinti garaacday magaalada Dayton ee gobolkaasi ay sababtay khasaaro isugu jira burbur ku yimid guryo badan iyo waddooyinka qaar oo ay ka dhigtay kuwo aanan la mari karin.

Tan iyo todobaadki hore, duufaanno soo noqnoqday ayaa ka dhacay gobollada dhexe ee Mareykanka gaar ahaan Missouri, Oklahoma, Iowa iyo Indiana.

Iyadoo duufaanahaasi wata roobabka iyo dabeylaha ay halis ku hayaan goboolada dhexe ee Mareykanka, ayaa gobollada koofureed waxaa fara ba’an ku haya kuleel heerkiisu uu sarreeyo.

Magaalooyinka Augusta iyo Savannah ee gobolka Georgia, darajada heerkulka ayaa waxay marki ugu horreysay muddo 141 sana ah gaartay 98 degree oo Fahrenheit ah. Sidoo kale, gobollada South Carolina iyo North Carolina ayaa bishaan May, uu heerka kuleelka marki ugu horreysay gaarya 100 degree oo Fahrenheit ah.

XS
SM
MD
LG