Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin loo xiray qarax ka dhacay, Lyon France


Booliska dalka Faransiiska ayaa soo xiray qof looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa qaraxii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Lyon ee dalkaas, oo ay ku dhaawacmeen 13 qof.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Christophe Castaner ayaa Isniinta maanta ah bartiisa Twitter-ka uga dhawaaqey inuu jiro horumar laga sameeyey kiiskaasi, isagoo aan bixinin faahfaahin dheeraad ah.

Xafiiska dacwad oogaha magaalada Paris oo qaabilsan baaritaanka dhammaan kiisaska argagixisada ee Franasiiska ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu ku xaqiijinayo in lasoo xirey nin 24 jir ah oo lagu hayo saldhigga booliska ee magaalada Lyon.

Sideed haween ah, afar nin, iyo gabar yar oo toban jir ah ayaa ku dhawwacmay qaraxaasi, laakiin midkoodna kuma jirin xaalad halis ah, sida ay laga soo xigtey xukuumada Faransiska.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG