Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiyada asalka oo looga adkaaday doorashada Yurub


Xisbiyada midigta dhexe iyo bidix dhexe ayaa lumiyay aqlabiyadda Baarlamaanka Midowga Yurub, kaddib marki ay xisbiyada Libaraalka, Green Party-ga iyo kuwa Qowmiyiinta ay guulo kasoo hooyeen doorashooyinki baarlamaaniga Midowga Yurub ee Axadi shalay lasoo gaba gabeeyay.

Xisbiyada ay taageeraan dadka qowmiyiinta ah ee ajnabiga neceb ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay dalalka France, Talyaaniga iyo Jarmalka, Halka xisbiyada Gareen Party iyo kan Libaraalka ay guulo ka keeneen dalalka Britain qaar ka mid ah dhamaan 28-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Lega Party ee dalka Talyaaniga Matteo Salvini, ayaa doorashadi Talyaaniga ka dhacday ku guuleystay 30 boqolkiiba. Wuxuu sheegay in shacabka ay siiyeen fursad ah inuu wax weyn ka baddalo ururka Midowga Yurub.

Wuxuu u hambalyeeyay hogaamiyaha xisbiga midigta ee Faransiiska Marine Le Pen oo doorashadi shalay ka dhacday Faransiiska ka badisay xisbiga madaxweyne Emmanuel Macron ee En Marche party.

Doorashadi Midowga Yurub ee sannadkaan ayaa waxaa dadka u soo baxay ee codadkooda dhiibtay lagu tilmaamay kuwi ugu badnaa muddo 20 sano ah.

XS
SM
MD
LG