Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Kim ku raacay "in Biden caqli liito"


APTOPIX Trump Japan
APTOPIX Trump Japan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku celiyey taageerada uu u muujiyey weerar xun oo hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un uu ku qaaday maadaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka ahna musharax madaxweyne.

“Kim Jong Un waxa uu sheegay in Joe Biden uu yahay qof caqligiisu yaryahay. Waxaan u malaynayaa inaan taas ku raacsanahay” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Hadalkiisa ayaa sii xoojiyey tweet uu qoray sabtidii oo uu ku muujiyey fikir kaas la mid ah.

Wakaaladda wararka Korea-da Waqooyi ayaa toddobaadkii tagay weerar culus ku qaaday Biden oo ah nin aad uga soo horjeeda dalkan cidlo joogga ah.

Trump ayaa bartilmaameed ka dhigtay Biden oo uu si aad ah u dhalleeceeyo, xilli madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka uu sare uga sii kacayo codadka ra’yiga ee ku aadan taageerada loo hayo xubnaha dimoqraaadiga ee madaxweynaha u sharaxan, kuwaas oo midkooda la tartami doona Trump, sanadda 2020.

Dhalleeceynta Trump ee sida gaarka ah ugu wajahan Biden marka loo eego xubnaha kale ee dimoqraadiga ayaa loo arkaa astaan muujineysa in Biden uu yahay ninka Trump uu filayo inuu ka hor-tago ama uu sida aadka ah uga baqayo doorashada 2020.

XS
SM
MD
LG