Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nairobi: Ciidamada oo galay xawaaladaha Soomaalida


Ciidmada booliiska ee dalka Kenya ayaa maanta gudaha u galey xarumaha dhowr shirkadood oo ka mid Xawaaladaha ay Soomaalida ay ku leeyhiin xaafadda Islii.

Shirkadahan ayaa masuuliyiintooda ay sheegeen inay baaritaano la xariira habka lacagaha iyo bangiyada ay ku samaysay dowlada Kenya.

Intii baaritanaadas ay socdeen waxaa ciidamada booliiska u diideen inay dadka macaamiisha ah ay gudaha u galaan shirkadahaasi.

Arrinkan waxuu yimid saacado kadib markii saddex masuul oo ka tirsan golaha xildhibaanada iyo wasiirada Soomaaliya loo diidey in la siiyo dal ku galka Kenya, ayagoo watey baasaboorka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG