Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: "Waxay noqon doontaa dhammaadka Iran"


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin kulul u diray Iran isagoo ku hanjabay inuu burburinayo haddii ay soo weerarto Mareykanka iyo danahiisa Bariga Dhexe.

Fariin uu axaddii soo dhigay boggiisa Twitter-ka, ayuu madaxeyne Trump ku yiri “Haddii Iran ay dooneyso inay dagaalanto, waxey noqoneysaa dhamaadka jirintaanka Iran.”

Sadex maalmood ka hor, Trump waxa uu u muuqday inuu dib uga degay hadalladii dagaal doonka ahaa ee Iran ka dhanka ahaa, isagoo sheegay inuu doonayo inuu Iran wadahadal la galo.

Mar uu wariye ku weydiiyay Aqalka Cad in Mareykanka uu dagaal ku qaadayo Iran iyo in kale, ayuu Trump ku jawaabay “ma rajeynayo”

Laakiin tan iyo markaa waxaa sii kululaaneysa xiisadda ka dhex oogan Mareykanka, saaxibadiisa gobolka iyo Iran.

XS
SM
MD
LG