WASHINGTON. D.C —
Dawladda Sucuudiga ayaa isugu yeertay shir degdeg ah oo ay yeeshaan waddamada ku jira ururka Jaamacadda Carabta iyo waddamada ku jira Golaha Iskaashiga Khaliijka.
Sacuudiga ayaa ujeedada shirkan oo dhici doona 30-ka bishan May, ku sheegtay sidii ay dalalka Carabta uga arrinsan lahaayeen khilaafka sii dheeranaya ee u dhaxeeya Iran iyo Sacuudiga.
Caasha Cuud ayaa arrimahan ka waraystay Cabdiqafaar Cabdi Wardheere oo ka faallooda arrimaha caalamiga ah.