Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga Muxaafidka oo ku Guuleystay Doorashada Australia


Doorashada Australia

Xisbiga midigta dhexe ee muxaafidka ah ee dalka Australia ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay doorashadi guud ee dalkaasi ka dhacday Sabtidi maanta, saacado yar kaddib marki ay soo baxeen warar sheegayay in xisbiga shaqaalaha uu qarka u saaranyahay guusha doorashada.

Ra’isulwasaare Scott Morrison, ayaa ku dhawaaqay in isbaheysiga hadda talada haya ee uu ka tirsantahay helay aqlabiyadda codadi doorashada.

Isaga oo yiri: “Mar walba waxaan aaminsanaa mucjisooyinka” taasoo uu kala jeeday sida la yaabka leh ee uu xisbigiisa u helay nitiijada doorashadi maanta.
Hogaamoyaha xisbiga Labor-ka Bill Shorten ayaa qirtay guuldarrada doorashada kasoo gaartay xisbigiisa, waxa kale oo uu sheegay inuu iscasilayo.

Guuldarrada xisbiga shaqaalaha kasoo gaartay doorashada baarlamaaniga Australia ayaa niyad ku noqoneysa taageerayaasha xisbiga oo saadaalinayay in ay si fudud ugu guuleysan doonaan doorashada, marki ugu horreysay muddo lix sanno ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG