Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Askar si qaldan loogu dilay duqeyn


Duqeyn ay militariga ajnabiga ah ee jooga dalka Afghanistan ka fuliyeen gobolka koonfureed ee Helmand ayaa si qaldan u dishay 17 ka mid ah ciidamada dowladda, islamarkaana dhaawacday 14 kale.

Sarkaal amni oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa VOA u xaqiijiyey dhimashadan, isaga oo sheegay in weerarkan uu ka dhacay duleedka magaalada caasimadda u ah gobolka ee Lashkar Gah, halkaasi oo ciidamada booliiska ay kula dagaalamayeen kooxda Taliban.

Attaullah Afghan, oo ah madaxa guddiga gobolka Helmand, ayaa VOA u sheegay in taliyaha guutada booliska waddooyinka uu ka mid yahay dadka dhintay.

Goor sii horeysay, wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa bayaan ku sheegtay in duqeynta lagu dilay sideed boolis ah, 11 kalena lagu dhaawacay, ayada oo xustay in baaritaan lagu hayo dhacdadan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in isbahaysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee Afghanistan ay fuliyeen duqeynta kadib markii ay ka codsatay dowladda Afghanistan, si gacan looga siiyo iska caabinta weerar culus oo Taliban ay kusoo qaadeen degmada Nahr-e-Saraj.

Ciidamada isbahaysiga weli kama aysan jawaabin codsi ay VOA ku weydiisatay inay ka hadlaan dhacdadan.

XS
SM
MD
LG