Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo lagu tuhmayo weerarkii maraakiibta


Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in khuburo milatari ay rumeysan yihiin in waxyaabaha qarxa loo adgeegsaday in lagu dulueeliyo afar Markab oo lagu weeraray xeebta Imaaraadka Carabta, islamarkaana la tuhmayo in Iran ay ku lug lahayd balse aysan hayn wax caddeyn ah.

Laba ka mid ah maraakiibtaas saliidda qaad ayaa waxaa leh Sacuudi Carabiya, oo sheegtay in maraakiibta ay gaareen waxyeello xooggan.

Wasiirka Saliida Sacuudiga, Khalid al-Falih ayaa sheegay in weerarka looga dan lahaa in lagu arbusho “ammaanka saliidda la gaarsiiyo macaamiisha ku sugan dunida dacalladeeda.”

Mid ka mid ah maraakiibta ayaa waxaa lahaa Norway, halka markabka afaraad ay leedahay Imaaraadka Carabta.

Saraakiisha Mareykanka ayaan illaa hadda wax faah-faahin ah ka bixiin waxa ku dhacay maraakiibta, mana hayaan caddeymo muujinaya cidda ka dambeysay.

Hase yeeshee sarkaal Mareykan ah ayaa sheegaya in Washington ay weerarka ku tuhmeyso Iran.

“Tani waa waxa Iran ay sameyso...waa wax aad ka fileyso in Iran sameyso..waxa uu aad ugu eg yahay habka Iran ay wax u sameyso” ayuu sarkaalka u sheegay wakaaladda wararka Reuters.

XS
SM
MD
LG