Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeyso Gaarisa iyo Bangal oo ka tirsan Waqooyi Bari Kenya.
Tiro kale oo dad ah ayaa ku dhaawacmay shilkaasi.
Shilka ayaa ka dhashay kadib markii baabuur rakaabah uu inuu ku dhacay baabuur kale oo kuwa xammuulka qaada ah.
Warbixintan waxaa inoo soo diray Maxamed Faarax Shire.