Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xutiyiinta oo Ka Baxaya Xudeyda


Dagaalyahannada Xuutiyiinta

Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta billaabay inay ka baxaan dekadahaSaleef iyo Ras Issa ee gobolka Xudeyda.

Tallaabadaan ayaa loo arkaa midlooga dhabeynayo heshiiskii ay QM ay kala dhex-dhigtay Xuutiga iyo Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee isku haya dagaalka Yemen.

Xudeyda ayaa ah ah halka ay badeecooyinka dibadda iyo gargaarka bani’aadannimo ka galaan Yemen, waxaana ay muhiim u tahay nolosha malaayiin reer Yemen oo hadda qarka u saaran macluul.

Madaxa guddiga kacaanka ururka Xuutiyiinta Yemen Mohammed al-Huthi, ayaa sheegay in dagaalyahannadu ay billaabi doonaan in ay ka baxaan magaalada maanta tobanka barqanimo xilliga Yemen.

Wuxuu sheegay in mucaaradka ay si hal dhinac ah uga baxayaan Xudeyda, kaddib marki ay ciidamada dowladda ee taageerada ka helaya Sacuudiga ay marar badan dib u dhigeen ka bixidda magaalada, taasoo qeyb ka aheyd haeshiiskii dalka Sweden.

Qaramada Midoobay oo Jimcihi sii sheegtay ka bixista Xudeyda ee ciidamada mucaaradka, ayaa sheegtay in Xuutiyiinta ay dhameysti doonaan ka bixisita Xudeyda iyo labada dekedood oo u dhaw, maalinta Talaadada ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG