Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga ANC oo ku horreeya doorashada Koonfur Afrika


Waxaa la saadaalinayaa in xisbiga haya talada dalka Koofur Afrika ee ANC uu markii 6-aad oo xiriir ah ku guuleysto codeyntii dalkaasi ka dhacday Arbacadii na dhaaftay, taasoo ah tii lixaad oo ay dadka waddankaasi u dareeraan, tan iyo markii uu dhamaaday nidaamkii midab-kala-sooca sanadkii 1994-kii.

Waxaa ilaa hadda la tiriyay 76% codadkii ay dadku dhibteen. Xisbiga ANC ee uu hogaaminayo Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa helay 57%. Sanadkii 2014-kii Waxa uu ku guuleystay codad gaaraya 62%.

Hase ahaatee fadeexado dhinaca musuqmaasuqa ah iyo kobaca dhaqaalaha dalkaasi oo ku socda xawaare aad u hooseeya ayaa fool-xumeeyay muuqaalka Xisbiga Nelson Mandella, Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee dalkaasi hogaamiya. Dal-daloolladaasi ayaa qaar kamid ah codbixiyayaasha ku qasbay in ay codadkooda u weeciyaan Axsaabta kale.

Isbaheysiga Dimuquraadiyadda ayaa codadka la tiriyay ilaa maanta oo jimce ah ka helay 22%, tiradaasi ayaa la eg isla intii uu ka hantiyay doorashadii qabsoontay sanadkii 2014-kii.

Xisbiga Economic Freedom Fighters ayaa isaguna codadka la tiriyay ka helay 10%. Xisbigan ayaa 2014-kii uruursaday codad gaaray 6%.

Waxaa la filayaa in natiijada kama dambeysta ah la shaaciyo 11-ka bishan oo berrito ku beegan. Xisbiga guuleysta ayaa soo dooran doona madaxweynaha xiga, kaasoo xilka loo dhaarin doono 25-ka isla bishan May.

XS
SM
MD
LG