Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo kordhiyey canshuurta badeecadaha Shiinaha


Dowladda Mareykanka ayaa maanta kordhisay canshuurta la saaro badeecadaha laga soo dhoofiyo dalka Shiinaha oo qiimahoodu yahay 200 oo bilyan dollar.

Canshuurta oo ahayd 10% ayaa hadda la gaarsiiyey 25%.

Shiinaha ayaa sheegay inay “si aad u qota dheer uga xun yihiin” canshuurta la kordhiyey, waxayna sheegeen inay qaadi doonaan “taalloobooyinka lagama maarmaanka ah oo ay uga aargudanayaan.”

Canshuurta la kordhiyey ayaa dhaqan galaysa ayada oo ay socdaan wada-hadallo u dhaxeeya ra’iisul wasaare ku xigeenka Shiinaha Liu He, iyo wakiilka ganacsiga Mareykanka, Robert Lighthizer oo uu wehliyo xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Steven Mnuchin.

Wada-xaajoodayaasha ganacsiga ee Shiinaha iyo Mareykanka, ayaa khamiistii soo geba gebeeyey labadii maalmood ee ugu horreysay wada-hadallada, oo ujeedadoodu tahay in la bad-baadiyo heshiiska ganacsiga ee Mareykanka iyo Shiinaha.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in canshuurtan ay aad ugu wanaagsan tahay dhaqaalaha Mareykanka.

Si kastaba, qaar ka mid ah dhaqaalyahannada ayaa saadaaliyey in tallaabadan ay kala bar hoos u dhigi doonto kobaca dhaqaalaha Mareykanka ee sanadkan.

XS
SM
MD
LG