Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoos u dhac ku yimid faa'iidooyinka Emirates Airline


Shirkadda diyaaradaha Emirates Airline ayaa shaacisay in hoos u dhac 69% uu ku yimid faa’iidooyinkeeda sababtuna ay tahay sare u kaca qiimaha shidaalka iyo dollar-ka, ayada oo wajahday sanad aad u adag.

Emirates ayaa sheegtay in faa’iidada xilli sanadeedkeeda March 2018 illaa March 2019 ay ahayd 237 milyan oo dollar, taasi oo aad uga yar marka loo bar-bar dhigo sanadkii kaas ka horeeyey oo ay faa’iiday $765 milyan oo dollar.

“2018-2019 waxa uu ahaa sanad adag, waxqabadkeena ma uusan ahayn sidii aan jecleyn” waxaa sidaas yiri guddoomiyaha iyo madaxa fulinta Emirates Group, Sheikh Ahmed bin Saeed Al-Maktoum, oo bayaan soo saaray.

“Qiimaha shidaalka oo sare u kacay iyo sarifka dollar-ka ee lacagaha kale oo xoogaystay ayaa hoos u dhigtay faa’iidadeenna” ayuu yiri.

Emirates ayaa sheegtay in lacagtii ay ugu talo-gashay shidaalka ee sanadkii tagay ay sare u kacday 25%, oo ay gaartay 8.4 bilyan oo dollar.

Shirkadda Emirates Airlines ayaa sanadkii tagay qaaday 58.6 milyan oo rakaab, taasi oo ku dhowaad la mid ah sanadkii kaas ka horeeyey.

XS
SM
MD
LG