Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ONLF oo ka hadashay Gaas laga helay gobolka Soomaalida


Cadaani Hirmooge
Cadaani Hirmooge

Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in deegaanka Soomaalida laga helay keyd Gaaska Dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet.

War ka soo baxay wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain oo la yirahdo New Age (African Global Energy Ltd) oo sahan ka waday meelo ka mid ah dhulkaasi ay keydkan ka heshay Deegaanka Hala-quraan.

Jabahadda ONFL oo dhawaan heshiis la gashay dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aadan gaaskan dhulka Soomaalida laga helay.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa Qadka Taleefanka ee Jigjiga kula xiriiray Afhayeen ONLF Cadaani Hirmooge.

ONLF oo ka hadashay Gaas laga helay gobolka Soomaalida
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:53 0:00

XS
SM
MD
LG