Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay Lahore, Pakistan


Pakistan blast
Pakistan blast

Qarax is miidaamin ah oo subaxnimadii Abacadan ka dhacay banaanka dhisme diimeed ku yaala magaalada labaad ee ugu weyn Pakistan ee Lahore, ayaa dilay ugu yaraan siddeed qof, ayada oo in ka badan 20 kalana uu soo gaaray dhaawac.

Bartilmaameedka qaraxaasi ayaa u muuqda inuu ahaa baabuur booliis oo yaalay meel u dhow albaabada mid ka mid dhisme diimeedka ugu caansan magaalada.

Ugu yaraan shan askari oo boolis ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay weerarka, sida uu sheegay Arif Nawaz, oo ah kormeeraha Guud ee gobolka Punjab.

Dhismaha Suufiyada ee lagu cibaadeysto ee la dhisay qarnigii 11-aad, ee loo yaqaano Darbar Datar, ayaa ah mid ka mid ah kuwa sida weyn loo booqdo, dalka Pakistan.

Dhismahaasi ayaa horey weeraro loogu qaaday, waxaana ka mid ahaa qarax ka dhacay sadankii 2010-kii oo ay ku dhinteen 40 qof. Tan iyo markaas ayaa waxaa goobtaas si joogto ah ugu sugnaa boolis.

Maamulayaasha dhismahaasi ayaa markii uu qaraxu dhacay waxa ay xireen dhamaan albaabada. Dadkii gudaha ku jiray ayaa markii dambe laga saaray albaad ku yaala dhinaca dambe.

XS
SM
MD
LG