Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muran ka dhex oogan Dimoqraadiga iyo William Barr


Guddoomiyaha Guddiga Cadaaladda Aqalka Wakiilada Mareykanka, Jerrold Nadler ayaa lagu wadaa inuu maanta la kulmo saraakiil ka tirsan wasaaradda caadaallada si xal looga gaaro muran u dhaxeeya labada dhinac.

Murankan ayaa ka dhashay xubnaha Aqalka Wakiilada oo doonaya inay arkaan warbixinta Robert Mueller ee baaritaankii faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashada Mareykanka, oo aan waxba laga kala reebin.

“Waa muhiim in guddiga loo ogolaado warbixinta oo dhameystiran iyo waxa ku hoos jira” waxaa sidaas yiri Jerrold Nadler oo qoraal soo saaray.

Guddiga ayaa Isniintii u dhaqaaqay inay xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka, William Barr ku qabtaan amar diido congress oo ku saabsan inuusan soo gudbin warbixinta Mueller, taasi oo loo codeyn doono arbacada.

Tallaabadan ayaa sii xumeeneysa loolanka u dhaxeeya Aqalka Wakiilada oo ay maamulaan dimoqraadiga iyo maamulka madaxweyne Trump ee xisbiga Jamhuuriga, oo dimoqraadiga ay isku dayayaan inay baaritaan ku sameeyaan.

XS
SM
MD
LG