Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo markab dagaal diray una digay Iran


John Bolton
John Bolton

Dawladda Maraykanka ayaa markab kuwa diyaaradaha qaada ah u dirtay ciidankeeda ku sugan Bariga Dhexe si ay uga jawaabaan, waxa la-taliyaha Amniga Qaranka Maraykanka John Bolton uu ku sheegay in jiraan “dhowr shay oo dhibaato keenaya, xiisadda kor u qaadaya, isla markaana welwel leh oo Iran lala xiriirinayo.

Hadalkan oo xilli dambe oo Axaddii ah uu soo saaray ayaa Bolton uu ku sheegay in tallaabadan loo qaaday sidii, sida uu hadalka u dhigay, uu “farriin cad oo aan lagu khaldami karin ugu diri lahaa taliska Iran, si uuna u weerarin danaha Maraykanka ama kuwa xulufada Maraykanka, haddii kalena uu la kulmayo awood xoog badan.”

Waxa uu intaas ku daray in Maraykanku dagaaal uu la galo Iran uuna doon-dooneynin, hase yeeshee ay diyaar u yihiin weerar kasta, ama dad wakiil ka ahi ha soo qaadaan, ama Ciidanka Ilaalada Kacaanka ama ciidanka kale ee Iran ahi ha soo qaadee.”

Maamulka Trump ayaanan wax faahfaahin ah ka bixin haddii ay jiraan hanjabaado gaar ah.

Marka lagu daro markabkan USS Abraham Lincoln, qalabka kale waxaa ku jira dayuurado dagaal, kuwa halicopterka, gantaalada wax burburiya iyo tiro ka badan 6 kun oo ciidanka badda ah, markii uu markabku Maraykanka ka dhaqaaqay bishii April.

XS
SM
MD
LG