Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo canshuur cusub ugu hanjabay Shiinaha


Donald Trump
Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka, Donald, ayaa isaga oo isku dayaya inuu Shiinaha ku cadaadiyo inay dar-dar geliyaan wada-hadallada heshiis ganacsi oo cuusb, waxa uu ku hanjabay in laga billaabo jimcaha uu canshuur dheeri ah kusoo rogi doono qaar ka mid ah badeecadaha ay usoo dhoofiyaan Mareykanka

Trump ayaa bartiisa twitter kusoo qoray “Heshiiska ganacsi ee Shiinaha weli wuu socda, balse si aad u hoosaysa, ayaga oo isku dayaya in dib loo xaajoodo. Ma yeeleyno”

Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu sare u qaadayo canshuur dhan 10% oo uu saaray badeecado shiinaha laga soo dhoofiyo oo qiimahoodu dhan yahay 200 oo bilyan oo dollar, islamarkaana uu gaarsiin doono 25%.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu canshuur cusub kusoo rogi doono badeecado hor leh oo lagu qiimeeyey 325 bilyan oo dollar.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa axaddii shaaca ka qaaday in Shiinaha ay ka fakarayaan inay baajiyaan wada-hadallo ganacsi oo qorshuhu ahaa inay toddobaadkan ka dhacaan Washington.

XS
SM
MD
LG