Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ONLF oo Wada-hadal ugu baaqday Soomaalida iyo Cafarta


Ururka ONLF ayaa ugu baaqay Soomaalida iyo Qowmiyadda Cafarta inay ka wada hadlaan qaboojinta xiisad colaadeed oo la sheegay inay ka jirto degaannada xuduudda labada maamul ee dalka Itoobiya.

War saxafadeed uu soo saaray ururka ONLF maanta waxa uu ku sheegay inay cambaaraynayaan dilal dhacay dhowaan oo loo gaystay 13 qof oo Soomaali ah.

ONLF waxay kaloo war saxaafadeedkaasi ku sheegtay in xuddunta colaaddu tahay saddex degmo oo ay leedahay Soomaalidu oo la raaciyey dhinaca Kililka Cafarta sannadkii 2014-ka xilligaas oo Itoobiya uu ka talinayey maamulkii hore.

Dhinaca kalena, Dawladda Maamulka Soomaalida ayaa ku eedaysay dablay hubaysan oo Cafar ah inay dileen 11 Soomaali ah. Dilkaasi kadib ayaa la sheegay in dhalinyarao Soomaali ah ay xireen khadka tareenka ee isku xira Jabuuti iyo Itoobiya.

Dadaal ay doonayeen ciidamada Itoobiya in khadkaasi lagu furo ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku dhintay hal qof, sida ay ilo wareedyo u sheegeen VOA. Mas’uul u hadlay Soomaalida degaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka Cafartu ay sidoo kale dhaawaceen 17 xoolalay Soomaali ah.

Maamulka Cafarta waa ay beeniyeen eedaha ka yimid Maamulka Soomaalida. Sarkaal u qaabilsan dhinaca isgaarsiinta Maamulka Cafarta ayaa VOA u sheegay in booliiska Cafartu aysan joogin degaankaas. Maamullada Cafarta iyo Soomaalida ayaa kala sheegta lahaanshaha saddex degmo.

Cafarta mas’uuliyiintoodu waxay sheegeen in xal ka gaarista saddexda degmo inay gacanta ugu jirto guddiga heer federaal ah.

XS
SM
MD
LG