Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Imaaraadka oo ka hadlay hadafka dagaalka Libya


Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay in hadafka dagaalka ka socda dalka Libya uu yahay mid xididada loogu siibayo argagixisada.

Hadal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu wasiirkaarrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Gargash ku sheegay, in ahmiyadda dagaalka Libya uu yahay mid looga hortagayo argagixisada iyo xagjirnimada, laguna taageerayo xasilooni ka dhalato Libya.

Xakuumadda Abu Dhabi, ayaa la safatay janaraalka duulaanka ku ah Tripoli ee Khalifa Haftar, kaasoo oo sidoo kale taageero hiil iyo hooba ka heysta dowladaha ay Imaaraadka xulufada yihiin ee Masar, Sacuudiga iyo Mareykanka.

Jeneral Haftar oo ciidankiisu ay maamulaan dhanka bari ee Libya, ayaa hadda u dagaalamaya sidii uu magaalada caasimadda ah uga qabsan lahaa, dowladda kumeel gaarka ah ee ay aqoonsantahay Qaramada Midoobay.

Quwadaha waaweyn ayaa ku kala qeybsan dagaalka Tripoli. Mareykanka wuxuu taageeray Jeneral Haftar, Ingiriiska wuxuu geeyay Golaha Amaanka qaraar uu ku dalbanayo in xabad joojin laga dhex dhaliyo dhinacyada isku haya Libya, Ruuska wuxuu si cad u diiday inuu cambaareeyo Xaftar, halka Faransiiska uu qiray taageerada uu u hayo Jeneral Xaftar laakinse kasoo horjeestay weerarka uu ku qaaday jeneraalka Tripoli.

XS
SM
MD
LG