Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Congress-ka oo su'aalo weydiiyey Barr


Xeeri Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, William Barr ayaa arbacadii shalay hortagay Congress-ka si uu u difaaco sidii uu u maareeyey warbixin 22-kii bishii March uu u soo gudbiyey dambi baaraha gaarka ah ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee sanadkii 2016-kii.

Barr ayaa sheegay in go’aanka uu warbixin kooban kaga qoray warbixinta dheer uu ahaa mid isaga u gaar ah. Barr waxa uu diiday su’aalo laga weydiiyey sida uu u sawiray waxyaabihii baarista Mueller ka soo baxay.

Dhageysigan oo uu ka muuqday cadaawad xisbiyada u dhaxaysa ayaa Dimoqraadiyiintu ay su’aalo kulkulul ka weydiiyeen warbixintii afarta bog ahayd ee uu ku soo koobay warbixintii dambi baaraha gaar ah iyo waliba cabasho daba socotay oo Meuller uu isaga u gudbiyey.

Dimoqraadiga ayaa Barr ku eedeeyey si hoos u dhigay caddeymihii habdhaqankiii Trump isaga oo dadaal ugu jiray inuu sabab u yeelo go’aankiisii muranka dhaliyey ee uu doonayey inuu madaxda kaga dhigo mid ka maran inuu caddaaaladda horjoogsaday.

XS
SM
MD
LG