Isku xirrada

War Deg-Deg ah

War kasoo baxay ururka Booliiska Soomaalida Mareykanka


Kadib markii shalay ay maxkamad ku taala magaalada Minneapolis ay dambi ku heshay Maxamed Nuur oo horey uga tursanaa booliiska Minnepaolis ayaa Ururka ay leeyihiin xubnaha booliiska asalkoodu Soomaaliga yahay waxay soo saareen war saxaafadeed.

Maxamed Nuur ayaa bishii Juulaay 2017-ka toogtay Justice Damond oo u dhalatay Australia, balse waxa uu sarkaalkaasi sheegay inuu u qaatay inuu ahaa qof halis ku ah sarkaal kale oo booliis ah oo ay wada socdeen.

Haddaba war saxaafadeedkaas ayaa xubnaha booliiska Soomaalida ah waxay marka hore ku sheegeen in kiiskan uu si weyn u saameeyey qoyska Justine Damond iyo qoyska sarkaalka Maxamed Nuur labadaba.

Saraakiisha booliiska ee Soomaalidu waxay war saxaafadeedka ku sheegeen inay aaminsan yihiin in fikaradda aanay eexdu ka maqnayn ee hay’adaha dawladda ee ka dhanka ah dadka madawga ah ay door weyn ka qaadatay xukunka maxkamadda ay ka gaadhay Maxamed Nuur shalay.

Waxay sheegeen ururku in qaabka xoogga leh ee dacwad-oogaha xaafadda Hennepin County - oo ah xaafadda dilku ka dhacay - uu uga daba-tagay sarkaalka Maxamed Noor ay muujinayso inay jireen sababo kale oo aan ahayn oo keliya in caddaaladda la helo.

Waxay sheegeen ururka saraakiisha booliiska Soomaalida-Maraykanka ah inay sii wadi doonaan hawshooda ku aaaddan dhismaha kalsoonida bulshada.

XS
SM
MD
LG