Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo baahisay muuqaal ay ku sheegtay Al-Baghdadi


Islamic State Leader

Kooxda Daacish ayaa Isniintii soo saartay muuqaal cusub, oo ay ku sheegtay inuu muujinayo hoggaamiyaheeda baxsadka ah oo farriin u diraya taageerayaashiisa.

Muuqaalkan oo 18 daqiiqo soconaya, islamarkaana lasoo dhigay warbaahinta Daacish ee Al-Furqan, ayaa ninka lagu sheegay inuu yahay Abu Bakar Al-Bagdhadi, wuxuu ku boorinayaa taageerayaashiisa inay ka aargutaan dhicitaankii khilaafada iskeed isku magacowday ee dalalka Ciraq iyo Syria.

Ninkan la sheegay inuu yahay Al-Baghdadi ayaa fadhiya isaga oo ay isku dul saaran yihiin labada lugood islamarkaana ay dhinac yaalaan laba barkin iyo qori.

Waxa uu la hadlayaa xubno ka tirsan Daacish oo wejigooda la qariyey, wuxuuna qirayaa ka bixitaanka gacanta kooxda Daacish ee magaaladii ugu dambeysay ee ay haysatay ee Baghuz ee dlaka Syria.

Ninka ka muquda muuqaalka ee la tuhunsan yahay inuu yahay Al-Baghdadi ayaa sidoo kale amaanaya weeraradii Axaddii Easter ka dhacay dalka Sri Lanka oo lagu dilay in ka badan 250 qof.

Waxa uu wacad ku maray in Daacish ay ka aargudan doonto dilka iyo xabsiyeynta xubnaha kooxdaas.

Saraakiisha sirdoonka Mareykanka iyo kuwa difaaca ayaa sheegay inay ka war-hayaan muuqaalka, hase yeeshee weli aysan xaqiijin karin in qofka ka hadlaya uu yahay Abu Bakar Al-Baghdadi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG