Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhageysiga dacwadda Maxamed Nuur oo soo dhamaatay


Mohamed Noor

Waxa la soo gaba gabeeyay dhageysiga dacwad dil ah oo loo heysto Maxamed Nuur, oo ka mid ahaa ciidamada booliska ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnisota kaas oo asal ahan ka soo jeeda Soomaaliya.

Nuur ayaa dilay Justine Ruszczyk Damond oo aheyd gabadh Australian ah oo booliska wacday kadib markii ay baqdin dareentey 2017-kii.

Labada kiis ee iska soo horjeeday ayaa kala ahaa in uu Maxamed Nuur si xilkasnimo darro ah uu u adeegsaday rasaas, una diley gabadhaas, halka qareennada u doodaya isagana ay ku andacoonayaan in uu isticmaalay tababarkii la soo siiyay ee aheyd in uu ka hor tago halis suuragal aheyd in ay ku soo wajaheyd isaga iyo askarigii kale ee la socdey.

Wariyaha VOA ee gobalka Minnesota Maxamuud Mascadde, ayaa gaba-gabada dhageysiga kiiskan, go’aan-qaadashada xeer-beegtiga iyo waxa laga filayo ka wareystay, Garyaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi oo si dhow ula socday madaxkamadeynta Maxamed Nuur.

please wait

No media source currently available

0:00 0:10:09 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG