Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IMF: Dhaqaalaha Iran wuxuu hoos u dhacayaa 6%


Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa saadaalinaysa in dhaqaalaha dalka Iran uu sanadkan hoos u dhici dooni 6%, ayada oo dalkaas uu wajahayo cadaadiska cunaqabateynta Mareykanka.

Warbixin IMF ay sii daysay maanta ayay ku sheegtay in sidoo kale ay qiyaaseyso in sicir-bararka Iran uu gaaro 40%.

Maamulka Trump ayaa la filayaa in khamiista uu si rasmi ah usoo geba-gebeeyo waqti lix bilood oo dheeri ah oo uu siiyey dalalka Iran ka iibsada saliidda oo ay ku jiraan China, India, Japan, Turkey iyo Kooriyada Koonfureed, si ay u joojiyaan.

Mareykanka ayaa sheegay inuu doonayo in Iran uu sanadkii ka lumiyo 50 bilyan oo dollar oo ah dakhliga kasoo gala iibka saliidda, si loogu cadaadiyo inay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaalada.

Aqalka Cad ayaa sheegay inuu dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka kala shaqeynayo inay xaqiijiyeen inay dunida u qeybiyaan saliid ku filan oo looga maarmoo tan Iran.

Turkiga iyo China ayaa cambaareeyey tallaabada Mareykanka, hase yeeshee ma cadda inay sii wadi doonaan inay iibsadaan saliidda Iran iyo in kale.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG