Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sri Lanka oo mamnuucday Indho-shareerka


Sri Lanka, oo weli aan kasoo kaban saameynta qaraxyadii dalkaas dhacay Axaddii Easter, ayaa amnuucday indha-shareerka ay xirtaan haweenka.

Madaxweyne Maithripala Sirisena ayaa mamnuucista ku hir-geliyey sharciga xaaladda deg degga ah ee dalkaas, wuxuuna dhaqan galay maanta.

Saraakiisha ayaa sheegay in tallaabadan ay ka caawineyso ciidamada ammaanka hannaanka lagu aqoonsanayo dadka lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen qaraxyada oo weli la raadinayo.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aqoonyahannada golaha Islaamiga ah ee ugu sarreeya dalkaas ay si ku meel gaar ah u taageereen tallaabadan sababo amni dartood, hase yeeshee waxay diideen in la mumnuceen burqaha ay haweenka xirtaan.

Dhinaca kale, warbaahinta dalka Sri Lanka ayaa werisay in booliska ay aqoonsadeen haweeney iyo gabar sabtidii laga soo saaray burburka toogasho dhex-martay ciidamada ammaanka iyo mintidiin, taasi oo ay ku dhinteen 15 qof oo ay ku jiraan lix caruur ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in labadan qof ay yihiin xaaska iyo gabadha Zahran Hashim oo ah ninka la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey qaraxyadii Easter Sunday oo ay ku dhinteen in ka badan 250 qof.

XS
SM
MD
LG