Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Q.M. iyo Mareykanka oo ka hadlay dhimashada rayidka ee Afghanistan


Afghanistan, Afghan Army Cuts Taliban Prison in Zabul 26 April 2019
Afghanistan, Afghan Army Cuts Taliban Prison in Zabul 26 April 2019

Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u matalaya wada hadallada ay Washington kula jirto Talibanta Afghanistan, Zalmay Khalilzad, ayaa sheegay in jawaabta laga bixin karo in la yareeyo tirada dhimashada Afghanistan ay ku xiran tahay guul laga gaaro heshiis dhanka nabadda ah.

Arbacadii, ayaa warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ku sheegtay in rayid badan oo reer Afghanstan ah lagu dilay saddexdii bil ee ugu horreysay sannadkan 2019, weerraro ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Afghanistan ku qaadeen kooxaha mintidiinta ah.

Khalilzad wuxuu sheegay in ka xun yihiin dhimashada iyo dilka shacabka Afghanistan, isla markaana ay doonayaan in lasoo gaba gabeyo dagaallada uu dhiigga ku daadanayo.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa muujisay in ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Afghnatsan ay saddexdi bilood ee ugu horreysay sannadkaan dileen 305 qof oo rayid ah, halka xoogaga Taliban ay dileen 227, taasoo ka yar inta ay xoogagga isbaheysanaya dileen.

XS
SM
MD
LG