Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hal Milyan oo Qof oo Dibad-bax ka Sameynaya Sudan


Dibad-baxayaasha Sudan ayaa billaabay in ay isu soo aruuraan iyaga oo doonaya in ay ka dhabeeyaan ballan qaadkoodii ahaa in ay Khamiista maanta ah sameynayaan bannaanbax ay ka qeyb-gali doonaan "Hal Milyan oo qof.''

Bannaanbaxa halka milyan oo qof, ayay ku rabaan in ay ku cadaadiyaan golaha milatariga ee hadda awoodda waddanka haya in ay talada ku wareejiyaan dowlad madani ah, kaddib afganbigi xakunka looga tuuray madaxweynihi hore ee dalkaasi Cumar Al-Bashir.

Golaha Milatariga ee Sudan ayaa maanta sheegay in saddex xubin oo iyaga ka mid ah ay is-casileen kaddib wadahadallo xalay saqdi dhexe ay yeesheen Milatariga iyo madaxa hogaamineysa kacdoonka shacabka.

Millatariga ayaa sheegay in ay aqbaleen inta badan dalabka hogaanka kacdoonka, isla markaana la sameeyay guddi ka kooban xubno ka tirsan Golaha Sare ee millatariga iyo hogaamiyaasha Kacdoonka Shacabka.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana lagu wadaa in bannaanbaxa halka milyan uu ka dhaco magaalada Khartoum ee caasimadda Sudan.

Dibaxyada Sudan ee sababay in milatariga uu afgambiyo dowladdii Jeneral Al Bashir, ayaa soo billowday 19-ki bishii December, kaddib markii ay dadka ka cawdeen sicir barar dhanka nolosha ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG