Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Joe Biden oo ku dhawaaqay in uu u tartamayo madaxweynannimo


Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa saakay xilliga dalkaan Mareykanka ku dhawaaqay inuu ka mid yahay musharraxiinta xisbiga Dimoqraadiga ee doorashada sannadka 2020-ka dhaceysa Mareykanka xilka madaxweynaha kula tartami doonta madaxweyne Donald Trump.

Biden oo ah senator rugcaddaa ah oo muddo dheer Koongareeska kasoo galayay gobolka Delaware, ayaa madaxweyne ku xigeen kasoo noqday Mareykanka muddo sideed sana ah, xilligii madaxweyne Barack Obama.

Si uu doorashada madaxtinimada ee sannadka 2020-ka ula tartamo madaxweyne Trump ayaa wuxuu u baahnaan doonaa inuu kasoo badiyo musharraxiin badan oo ay iskula jiraan xisbiga dimoqraadiga, kuwaasoo oo uu la gali doono is-reeb-reeb xisbiga dimoqraadiga dhaxdiisa ah.

Musharaxiintaasi waxaa ka mid ah senator Bernie Sanders oo laga soo doorto gobolka Vermont iyo siyaasiyiin kale oo dhowr ah.

Musharraxiintaan ayaa la sheegay in ay ka badanyihiin lacagaha ay qaarraan ahaanta u heleen Joe Biden, hase yeeshee wuxuu dhamaandood uga khibrad sarreeyaa dhinacyada siyaasadda arrimaha dibadda, tan gudaha iyo caddaaladda dhanka danbiyada.

Sannadihi 1988-ki iyo 2008 ayuu Joe Biden isku dayay inuu u tartamo xilka madaxweynaha, balse labaduba waa uu ku guul-darreystay.

XS
SM
MD
LG