Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarradii Axaddii lagu qaaday kaniisado iyo hotello ku yaalla dalka Srilanka ooay ku dhinteen in kabadan 300 oo qof.
Ra'iisul-wasaraha Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ayaa weriyayaasha magaalada Colombo ugu sheegay inuu rumaysan yahay in kooxda Daacish ay ku lug ku lahayd weerararaadi, wuxuuna ka digay inay dhici karto weerarro kale oo dalkaasi ka dhacay.
RW ataa sheegay in hay’addaha amniga ee Srilanka ay si dhow ula socdeen dadka Srilanka u dhashay ee ku biiray kooxda Daacish kuwaasi oo ku soo noqday Sirlanka.
Saraakiisha Sirdoonka Srilanka ayaa loo sheegay saacado ka hor inta aanu weerarradan dhicin, iyadoo looga digay in kooxo Islaamiyiin ah ay weerarro damacsan yihiin inay fuliyaan.
Saraakiisha sirdoonka Hindia ayaa la xiriiray dhigooda Srilanka laba saac ka hor inta aan weerarka koowaad dhicin.
Wasiirka difaaca Srilanka Ruwan Wijewardene ayaa isna maanta sheegay in weerarradII Srilanka ay ahaayeen kuwa looga aargudanayay weeraradii labadii masjid ee bishii hore ka dhacay dalka New Zealand.