Dowladda Sri Lanka ayaa maanta sheegtay in ay rumeysantahay in koox Muslimiin mintidiin ah ay ka danbeeyeen, weeraradi Axaddi lagu qaaday dalkaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 300 oo qof.
Afhayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Rajitha Senaratne,ayaa sheegay in ay hadda baarayaan inuu jiro xiriir ka dhaxeeya Kooxda National Thowheeth Jama'ath iyo kooxo ajnabi ah oo laga yaabo in ay ku taageereen weeraradi Axadi lagu qaaday hoteello iyo kaniisado ku yaalla Sri Lanka.
Ilaa iyo hadda 24 qof oo lala xiriirinayo weerarada ayay boolisku xireen, hase yeeshee ma jirto wax faah-faahin dheeraad ah oo laga hayo dadka la xiray.
Caawa saqda dhexe xilliga Sri Lanka, waxaa guud ahaan waddanka ka dhaqan galaya bandoow ay dowladda soo rogtay.
Tirada dadki ku dhintay weeraradi Axadi ayaa waxaa ay mareysaa 290 ruux, halka ay ku dhaawacmeen boqolaal kale.