Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorasho Madaxweyne oo Ka Socota Ukraine


Hooyo canugeeda kor u heysa oo codkeeda ka dhiibaneysa doorashada Ukraine maanta ka dhaceysa

Dadka reer Ukrain ayaa maanta codadkooda ka dhiibanaya doorashada madaxtinimada, taasoo la filayo in xafiiska ugu sarreeya waddanka lagu aamini doono nin majaajiliista ah oo aanan laheyn khibrad siyaasadeed.

Ra’yi ururin dadweyne ayaa muujineysa in Volodymyr Zelenskiy, oo horay u jilay musalsal TV-ga laga daawaday oo uu ku matalayo madaxweyne mala,awaal ah, uu ka guuleysan doono madaxweynaha hadda talada haya Petro Poroshenko.

Kalsoonida ay ku qabaan shacabka Mr. Poroshenko, ayaa hoos u dhacday, kaddib marki uu ku guuldarreystay inuu wax ka qabto msuqu maasuqa iyo heerka nolosha waddanka oo aanan horumarsaneyn.

Labadani musharrax ayaa Jimcihi dood si toos ah looga daawaday TV-ga isla markaana ka dhacday garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaalla magaalada Kiev, ayaa is weydaartay caay iyo eedeymo ay isu soo jeediyeen, balse labaduba ayaa ka sinnaa ballan qaad ay ku ballan qaadeen in Ukraine ay ku heyn doonaan xeyndaabka reer galbeedka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG