Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Srilanka: 207 qof oo ku dhintay Qaraxyo


In kabadan 207 qof ayaa maanta oo Axad ah ku dhintay qaraxyo lala eegtay kaniisaddo iyo hoteello ku yaalla dalka Srilanka.

Qaraxyadan waxaa ku dhaawacmay in ka badan 400 oo qof.

Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa wakaaladdaha wararka u sheegay in laba ka mida qaraxyada ay fuliyeen dad isa soo miidaamiyay.

Saraakiisha ayaa sheegaya in mid ka mid ah kaniisadaha la qarxiyay oo lagu magacaabo Saint Anthony iyo saddexda hotel ee la qarxiyay ay ku yaaleen Colombo oo ah caasimadda Srilanka.

Kaniisadaha kale ayaa yaalla magaalada Negombo, oo ka baxsan Colombo, iyo magaalada Zion ee ku taala Batticaloa.

Ma jirto cidda ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weeraradan.

XS
SM
MD
LG