Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey oo xiray rag u dhashay Imaaraadka


Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Turkiga
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Turkiga

Turkiga ayaa maanta xiray laba nin oo looga shakiyay in ay u jaajuusayeen dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo sidoo kalana hadda la baarayo in ay lug ku lahaayeen dilkii magaalada Istanbul sannadki hore loogu geystay Jamal Khashoggi.

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, ayaa maanta sheegtay in raggaani uu xarigooda qeyb ka yahay baaritaan ay dalbadeen dacwad oogayaasha Istanbul, kaasoo ku saabsan falal jaajuusnimo ah oo lagu eedeeyay Imaaraadka.

Wargeyska taageera dowladda Turkiga ee Yeni Shafak, ayaa ku warramay in labada qof ee looga shakisanyahay in ay jawaasiis u ahaayeen dowladda Imaaraadka la xiray Isniinti, kaddib howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada booliska Turkiga iyo kuwa sirdoonka Turkiga ee loo soo gaabiyo MIT.

Wargeyska ayaa intaasi ku daray, in labadani qof oo ah muwaadiniin u dhashay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ay xiriir la sameeyeen qof ay booliska kor kala socdeen oo lagu tuhunsanyahay inuu ku lug leeyahay dilka wiriyihii u dhashay Sacuudiga Jamal Kashikji.

Sacuudiga ayaa qirtay in rag iyaga iskood usu abaabulay oo ka tirsanaa ciidanka boqortooyada ay ku dhex dileen Kashikji, qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

XS
SM
MD
LG