Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Todobaad kaddib dhaciddii Cumar Al Bashir


Muddo todobaad ah kaddib marki uu millatariga dalka Sudan uu talada awood uga tuuray hogaamiyihi hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashir, ayay dibadbaxayaashu billaabay kacdoonkani wali dalbanayaan, in millatariga uu xakunka ku wareejiyo dowlad rayid ah.

Tan iyo bishii December, dibadbaxayaasha Sudan ayaa waday bannaanbaxyo ay uga soo horjeedeen Al Bashir, kuwaasoo ugu danbeytii soo gaba gabeeyay xakunki soddonka sano ahaa ee uu dalkaasi dhaca bariga Africa ku heystay madaxweyne Al Bashir.

Dhanka kale, waxaa warbaahinta loo soo bandhigay magacyada dadka hogaaminayay bannaanbaxyadi sababay in xakunka laga tuuro AL Bashir.

Ururuka Barfisoorrada Sudan ee loo soo gaabiyo (SPA) ayaa la sheegay in ay billaabeen bannaanbaxyada, waxaana ururkani ku midoobay injinneero, dhaqaatiir iyo macallimiin.

Saddexda nin ee hogaamineysa ayaa kala ah Mohamed Yousef Ahmed Mustafa, oo ah madaxa ururka barfisoorrada, kaasoo bare ka ah jaamacadda Khartoum University, Mohamed Naji oo ah dhaqtar caana iyo Ahmed al-Rabia oo xubin ka ah ururka macallimiinta.

Waxaa sidoo kale marki danbe ku biirray xubno ka mid ah jabhadihi ka dagaallamay gobollada Darfur, South Kordofan iyo Blue Nile.

XS
SM
MD
LG