Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixinta Robert Mueller oo la daabacay


Mueller report

Warbixinta Robert Mueller ee baaritaankiisii faro-gelinta Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Mareykanka ee 2016 ayaa maanta la daabacay, si shacaka ay u arkaan.

Waxyar ka hor inta uusan warbixinta uu daabicin, ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, William Barr waxa uu shaaca ka qaaday in warbixinta ay madaxweyne Trump ka barri yeeleyso inuu Ruushka kala shaqeeyey faro-gelinta.

Barr waxa uu sidoo kale sheegay in kadib markii uu xilka qabtay, madaxweyne Trump uusan wax damac ah ka gelin inuu is-hortaago baaritaanka faro-gelinta Ruushka.

Ka hor inta aan warbixinta la daabicin ayuu Trump weerar culus ku qaaday baaritaanka Muuller oo ku qeexay “Qiyaano Siyaasadeedkii ugu weynaa taariikhda.”

Daandurey ayaa warbixinta ka wareystay sharci-yaqaan Prof. Cabdiwaaxid Cusmaan Qalinle.

Warbixinta Robert Mueller oo la daabacay
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:45 0:00

XS
SM
MD
LG