In ka badan 150 milyan oo qof ayaa codadkooda ka dhiibanaya wajiga labaad ee doorashada guud ee dalka Inddia Khamiista maanta ah.
Doorashada maanta ayaa waxay shacabka ku soo dooran doonaan ilaa iyo 90 mudane, dhamaan gobollada dalka oo uu ku jiro gobolka ay India iyo Pakistan ku muransanyihiin ee Kashmir.
Bishi Febraayo, maleeshiyo fadhigoodu yahay Pakistan, ayaa gobolka Kashmir ku dilay in ka badan 40 askari oo ka mid ah millatariga India.
Hindia ayaa ugu jawaabtay weerar cirka ah oo ay ka fulisay Pakistan, halka Pakistan ay soo ridday laba diyaaradood oo ay India leedahay.
Doorashada Hindia oo ah doorasho dimoqraadi tan ugu weyn aduunyada, ayaa waxa loo kala qeybiyay 7 wareeg. Waxaana isu diiwaangeliyay in ay codadkooda ka dhiibtaan 900 oo milyan oo ruux.
Doorashadan oo billaabatay Khamiistii aanu kasoo gudubnay, ayaa soo xirmi doonta 23-ka bisha May ee soo socota.
Xisbiga Ra’isulwasaare Narendra Modi ee Bharatiya Janata Party ayaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleysan doono doorashada.