Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Bashiir oo loo wareejiyey xabsi


Sudan
Sudan

Madaxweynaha xilka laga tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiri ayaa talaadadii loo wareejiyey xabsiga Kobar ee magaalada Khartoum, sida ay laba xubnood oo qoyskiisa ka tirsan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Ilo-wareed ku sugan xabsiga ayaa sheegay in Al-Bashiir kaligiis lagu hayo qeyb xabsiga ka mid ah oo cidlo ah, islamarkaana amnigeeda aad loo adkeeyey.

Tan iyo markii ay khamiistii tagtay xukunka ka tureen militariga Sudan, Al-Bashiir ayaa waxa uu ku xabisnaa xarunta madaxtooyada oo ay ku ilaalinayeen ciidamada aad xooggan.

Militariga ayaa Al-Bashiir xukunka ka tuuray kadib toddobaadyo dibad-baxyo oo isaga ka dhan ah, ayada oo dibd-baxayaasha ay tan iyo 6-dii bisha April hor deganaayaan xarunta ciidamada oo ay madaxtooyada ku dhex-taal.

Axmed Cawad Bin Cawf oo ku dhowaaqay xukun ka tuurista Al-Bashiir iyo in lagu hayo goob nabdoon ayaa isna ka tagay jagadii madaxa golaha militariga ee la wareegay talada dalka Sudan, maalin un kadib markii uu xilkaas qabtay.

Golaha ayaa waxaa iminka hoggaaminaya Cabdi Fatax Al-Burhan oo ballan-qaaday in doorasho ay ku dhici doonto laba sano gudahood.

XS
SM
MD
LG