Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo diidey in uu joojiyo ku lug lahaashiyaha Mareykanka ee dagaalka Yemen


Madaxweyne Donald Trump ayaa xalay diidmada qayaxan u adeegsaday qaraar uu Koongareeska Mareykanka ku diiday ku lug-lahaashaha Mareykanka ee dagaalka ay Sacuudiga iyo xulufadiisa ka wadaan dalka Yemen.

Qarraarki Kongareeska ayaa ahaa mid taariikhi ah, kaddib marki mudanayaasha labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ee ku jira Senetka iyo Aqalka Wakiilada ay isku raaceen, in la soo dhameeyo taageerada Mareykanka ee dagaalka Yemen.

Hase yeeshee, madaxweyne Trump ayaa bayaan uu soo saaray xalay ku sheegay in qaraarkaasi uu yahay mid aanan loo baahneyn, khatar wiiqeysa awoodihiisa dastuuriga ah isla markaana khatar ku ah nolosha muwaadniinta Mareykanka iyo sidoo kale ciidanka qalabka sida ee xilligaan iyo kuwa mustaqbalka.

Codka Fiitooga ama diidmada qayaxan ee uu Trump uu ku hor-istaagay qaraarka koongareeska ee dagaalka Yemen, ayaa ah kii labaad ee uu adeegsaday tan iyo marki uu xafiiska yimid.

Madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadada Aduunka, David Miliband, ayaa sheegay in tallaabada madaxweyne Trump uu ka qaatay arrintani ay fasaxeyso istaraatiijiyadda dagaalka Yemen ee abuurtay masiibo bani’aadannimo tan ugu xun.


Dagaalka Yemen ee u dhaxeeya isbaheysiga carbeed ee uu hogaamiyo Sacuudiga iyo maleeshiyada Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray rayidka Yemen, iyo in ay macluul qarka u koraan 10 milyan oo ruux oo ku nool Yemen.

XS
SM
MD
LG