Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Dad lagu dilay xaflad aroos


Dad lagu dhaawacay Afghanistan
Dad lagu dhaawacay Afghanistan

Masuuliyiin ku sugan bariga Afghanistan ayaa sheegey in kooox hubeysan ay rasaas ku fureen goob xaflad ay ka socotay xaflad aroos.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay shan ruux, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale, iyadoo ay goobta ka baxsaden kooxihi weerarka soo qaaday.

Masuuliyiintaayaa sheegey ineysan garaneyn sababta ka dambeysa weerarkaasi ka dhacay gobolka Khost Axaddii.

Kooxda Taliban iyo kooxo kale oo mitidiin ah ayaa ku sugan agagaarka xadka Bakistaan, balse weerarada lagu qaado aroosyada ayaa ah kuwa aan caaado aheyn.

XS
SM
MD
LG