Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Sudan


Miltariga la wareegay talada dalka Sudan ayaa sheegay inay qorsheynayaan in xukunka dalkaasi ay gacan u geliyaan xukumad rayid ah, laba sanadood ka dib.

General Omar Zein Abedeen oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Miltariga Sudan ayaa Shir Jaraa’id oo uu qabtay maanta oo Jimca ah ku sheegay aysan dhiibi dooni madaxweynaha xukunka laga tuuray Cumar Xassan al-Bashiir oo ay doondooneyso Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee ICC.

Inkastoo Ciidamadu maalintii shalay ay soo rogeen xaalad deg deg ah ayaa hadana laga cabsi qabaa inay dhacaan isu soo baxyo kale.

Dalkaasi waxa ku nool dad Soomaali ah oo araday u badan kuwaasi oo xaalada taagan ay saamayn ku yeelatay.

Cabdi Kaafi Ismaaciil Xirsi waxa uu ka mid yahay ardayda wax ka barata magaalada Khartuum waxaana xaalada Soomaalida halkaasi degan uu uga waramay Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Sudan
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:46 0:00

XS
SM
MD
LG