Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax dad badan ku dilay Pakistan


Pakistan

Ugu yaraan 18 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen kaddib marki maanta qarax lagu weeraray suuq lagu iibiyo qudaarta oo ku yaalla magaalada Quetta ee gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa bulshada Hazara oo ka tirsan dadka shiicada ah ee laga tirada badanyahay ee dalka Pakistan.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska ee magaalada Quetta Abdul Razzaq Cheema, ayaa sheegay in walxaha lagu qarxiyay suuqa Quetta lagu soo dhex-qariyay loor uu ka buuxay bataati. Wuxuu intaasi raaciyay in daaqadaha guryaha ka ag-dhawaa suuqa ay soo dhaceen.

Weerarkan ayaa dhacay xilli ciidamada booliska ay xoojiyeen amaanka dadka laga tirada badanyahay ee Shiicaha Hazara ee dagan magaalada Quetta. Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG